Wasiirkii hore ee caddaaladda Puntland oo sheegay inuusan bedelin mowqifkiisii siyaasadeed ee DFS.

5 April, 2026

Wasiirkii hore ee caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo maanta xilka wareejiyey ayaa sheegay inuusan waxba iska…


Wasiirkii hore ee caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo maanta xilka wareejiyey ayaa sheegay inuusan waxba iska beddelin mawqifkiisii siyaasadeed ee uu ka qabey dowladda federalka ah Somalia, kadib markii dhawaan Madaxweyne Deni xilka ka qaaday.

Wasiirkii hore ee Cadaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab: “Mab’a ayaan siyaassdda ka aaminsanahay kaas ayaan dowladda kula joogey, mana is beddeli doono waan ku taagnaan doonaa, ma ihi dadka marba qof noqda, aragtida Dowladda Federaalka marnaba isma beddeleyso, waana ka soo horjeeda ku tumashadeeda sharci.”

Dhanka kalena, Wasiirka cusub ee wasaaradda caddaaladda Puntland Garyaqaan Cabdirashiid Barkhadle ayaa sheegay inuu laba jibbaari doono shaqada isagoo hawl-wadeenada wasaaradda ku amray inay waajibaadkooda gutaan.

“Anigu 7-da subaxnimo ayaan shaqada soo geleyaa xataa habeenkii baan shaqaynayaa, ma yeeli doono dad laba saac shaqeeya”, Wasiirka cusub ee Cadaaladda Puntland, Garyawaan Cabdirashiid Barkhadle.