Wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed…

Wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu wajahayo qorshe dowladeed oo lagu doonayo in lagu beddelo hoggaanka maamulkaas. Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu muddo dheer haystay awoodda Jubbaland, balse hadda la gaaray xilligii isbeddelka.
“Axmed Madoobe 21 sano inuu joogo ayuu rabaa Jubbaland, waa in lala dagaallamo, maanta ayey ugu dhowdahay in aan ka saarno Jubbaland,” ayuu yiri Cumar Cali Cabdi oo ku hadlayay hadal si adag u dhaliilaya hoggaamiyaha Jubbaland.
Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayay inuu xal nabadeed ku dhameeyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, balse dadaalladaas ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Cumar Cali Cabdi ayaa ku adkeeyay in Axmed Madoobe uusan sharciyan ahayn madaxweynaha Jubbaland, isagoo ugu baaqay shacabka deegaankaas inay iska qabtaan oo la dagaallamaan.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in warqaddii lagu amrayey soo xirista Axmed Madoobe ay weli shaqaynayso, isla markaana ciidamada amniga ay qaban doonaan markasta oo ay fursad u helaan. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland uu cirka isku shareeray, kaddib markii wada-hadalladii Kismaayo ku fashilmeen, halka dowladda federaalka ay hadda wado qorshe ay hoggaan cusub ugu dhisayso Jubbaland, iyada oo diiradda saaraysa gobolka Gedo.




