Siyaasiyiin , waxgarad, la-taliyayaal , dhaqaatiir , xildhibaanno, culummo iyo masuuliyiin kale ayaa Garoowe kaga shiray…

Siyaasiyiin , waxgarad, la-taliyayaal , dhaqaatiir , xildhibaanno, culummo iyo masuuliyiin kale ayaa Garoowe kaga shiray dhismaha wadada isku xirta degmooyinka Eyl & Dangorayo ee gobolka Nugaal.
Masuuliyiinta ayaa kawada hadlay sidii loo billaabi lahaa wadada Eyl, iyagoo isku raacay in sida ugu dhaqsaha badan loo diyaariyo qorshaha lagu bilaabayo u qareemidsta laamigaasi oo ahmiyad weyn u leh gobolka.
Xubnahaan ayaa qabtay guddi soo diyaarin doona qorshaha dhaqaalaha loogu ururinayo jidka, qaabka bulshada loogu wacygelin doono ka qaybgalkeeda iyo jeexidda tub lagu aamini karo.




