Waxgaradka gobolka Mudug oo cabasho hordhigay xukuumadda Puntland.

11 June, 2025

Qaar kamid ah aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug ayaa bayaan ay soo saareen kaga hadlay xaaladda…

Qaar kamid ah aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug ayaa bayaan ay soo saareen kaga hadlay xaaladda ammaan, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar ee gobolkaasi.

Xubnaha bayaanka soo saaray ayaa xukuumadda Puntland ka dalbaday inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato burburka kaabayaasha dhaqaale ee gobolka gaar ahaan jidka xiriiriya Xarfo ilaa Galkacyo, garoonka diyaaradaha ee Galkacyo iyo jidka Garacad.

Dhanka kalena, xubnaha ayaa ka dalbaday isimada iyo odayaasha dhaqanka gobolka Mudug inay ka qayb qaataan nabadaynta gobolka dilalka soo noqnoqdayna lagu xalliyo qisaas si looga gaashaanto kuwa dambe.