Waxgaradka Sanaag oo shaaciyey inaysan ku biiri doonin SSC KHATUMO.

29 June, 2025

Qaar kamid ah waxgaradka beelaha gobolka Sanaag oo warbaahinta kula hadlay degmada Badhan ee xarunta gobolkaasi…

Qaar kamid ah waxgaradka beelaha gobolka Sanaag oo warbaahinta kula hadlay degmada Badhan ee xarunta gobolkaasi ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali.

Waxgaradka ayaa beeniyey in beelaha gobolkaasi ay qayb ka noqon doonaan shirweynaha SSC KHATUMO oo qabsoomi doona bilowga bisha 7aad ee foodda nagu soo haysa, waxayna beeniyeen inaysan waxka dhisan doonin SSC KHATUMO.

Waxay tilmaameen in sheegashada Firdhiye ee gobolka Sanaag ay cadaawad ka dhex abuurayso bulshooyinka Sool iyo Sanaag, loona baahan yahay in raaligelin laga bixiyo arrintaasi.