Weerar Drone oo lagu qaaday Warshadda Korontada Nukliyeerka ee Imaaraatiga

17 May, 2026

Warshadda korontada ee Barakah ee Imaaraadka Carabta, ayaa maanta lala beegsaday weerar diyaaradaha drone-ka, Warshadan Nukliyeerka ayaa soo saarta qiyaastii rubuc korontada guud ee wadanka Imaaraadka Carabta.

Waa markii ugu horreysay ee aan aragno weerar lagu qaadayo xarumaha tamarta nukliyeerka ee Imaaraadka Carabta, iyadoo weerarradii hore ay diiradda saarayeen xarumaha saliidda iyo gaaska.

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay kasoo galeen dalka dhanka xuduudda galbeed iyadoo laba drone lasoo riday mid sadexaadna ku dhacay matoor koronto nawaaxiga Warshadda Tamarta Nukliyeerka ee Barakah ee gobolka al-Dhafra, duqeyntaasi oo sababtay dab halkaas ka dhashay.

“Baaritaanno ayaa socda si loo ogaado meesha ay ka yimaadeen diyaaradahan drone-ka ee weerarka soo qaaday, wararka cusubna waa la shaacin doonaa marka la dhammeeyo baaritaanka,” ayay wasaaraddu ku tiri qoraal ay soo dhigtay X.

Qoraal uu ku qoray bogga X, xafiiska warbaahinta ee Abu Dhabi wuxuu ku sheegay in wax dhaawac ah aan la soo sheegin, dabkuna, oo ka kacay bannaanka gudaha warshadda, uusan saameyn ku yeelan heerarka badbaadada shucaaca.

Saraakiisha Imaaraadka ma aysan sheegin cidda ay aaminsan yihiin inay mas’uul ka tahay weerarkan.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay ku wargelisay in heerarka shucaaca ee warshadda nukliyeerka ay yihiin kuwo caadi ah oo aan lasoo sheegin wax dhaawac ah.