Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Gaarka ah ee Danab oo ka tirsan…

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Gaarka ah ee Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaabayaan saaxiibada caalamiga ah ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday dhufaysyo iyo gabaadyo ay kooxda Alshabaab ku dhuumaaleysanayeen sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, Sidoo kale waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan kooxda kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in duqaymo cirka ah lagu burburiyay godad iyo gabaadyo ay kooxda isku qarinayeen halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii lagu bartilmaameedsaday si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.
“Xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda Gaanshaandhiga Federaalka.
Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo wiiqi lahaa awoodda kooxda AlShabaab loona xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.



