Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa Goordhow lagu qaaday xarunta Godka Jilicow ee degmada Boondheere ee…

Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa Goordhow lagu qaaday xarunta Godka Jilicow ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo amni. Weerarka ayaa ku bilaawday qarax Ismiidaamin ah oo ay xigtay rasaas culus oo dhex martay ciidamada ammaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Goobta weerarka lagu qaaday ee Godka Jilicow loo yaqaan ayaa ah xarun muhiim ah oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), taasoo ka mid ah goobaha sida gaar ah loo ilaaliyo ee ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxii dhacay uu si xooggan u gilgiley xaafado dhowr ah oo ku teedsan Boondheere, isla markaana uu xigay dagaal toos ah oo muddo socday, iyadoo rasaas xoog leh la maqlayay muddo daqiiqado ah.
Weerarkan ayaa yimid xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday furitaanka in ka badan 52 waddo oo muddo 15 sano iyo ka badan u xirnaa sababo amni, kuwaas oo hore loogu difaacayay xarumo muhiim ah oo dowladeed. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in furitaanka waddooyinkan uu muujinayo horumar laga sameeyay amniga caasimadda.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Godka Jilicow, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyin dhowr ah oo ku dhow goobta, halkaas oo weli laga maqlayo rasaas goos-goos ah iyo dhaq-dhaqaaqyo amni.



