Weerar ka dhacday meel u dhow qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul

7 April, 2026

Saddex qof ayaa ku dhintay laba sarkaal oo booliis ahna way ku dhaawacmeen rasaastii ka dhacday meel u dhow qunsuliyadda Israa’iil.

Saddex qof ayaa ku dhintay laba sarkaal oo booliis ahna way ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday meel u dhow dhismaha qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul, sida ay ku warramayaan warbaahinta Turkiga.

Hal nin oo weerarka geystay ayaa la dilay kaasoo dowladda Turkiga ay sheegtay inuu xiriir la leeyahay koox argagixiso ah.

Ma aysan magacaabin kooxda loo malaynayo inay ku lug lahayd, laakiin kooxda xagjirka ah ee “Daacish” ayaa weeraro ka geysatay Turkiga marar hore.

Guddoomiyaha Istanbul, Davut Gul, ayaa sheegay in labada qof oo kale ee la tuhunsan yahay xabsiga la dhigay ay sidoo kale dhaawacmeen, halka laba sarkaal oo booliis ahna ay soo gaareen dhaawacyo fudud.