Weerar lagu qaaday xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho oo DFS ciidamo ku qoranaysay.

18 May, 2025

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Damaanyo ee…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo laga wadey diiwan gelinta ciidamo cusub oo ku biiraya ciidamada xoogga dalka.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho & dhaawac soo gaarey dhalinyo ku biiri lahayd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa la xaqiijiyey in qaraxaan si gaar ah loo bartilmaameedsaday goobta lagu diiwaangelinayay ciidamada cusub, iyadoo ay ku geeriyoodeen 20 ruux in ka badan 15 kalena dhaawacyo ka soo gaareen.

Saraakiisha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaan weli weerarkaasi ka bixin wax faahfaahin ah, xilli muddooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho dowladdu ka waddey diiwaangelinta codbixiyayaasha golaha deegaanka dowladda hoose ee Muqdisho.