Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay deegaanka Garacad.

30 April, 2026

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar subaxnimadii hore ee saaka ay rag hubaysani ku…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar subaxnimadii hore ee saaka ay rag hubaysani ku qaadeen saldhig boolis oo kuyaalla deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Weerarkaani oo la xaqiijiyey inay soo qaadeen rag la hayb ah xubno ku eedaysnaa falal burcad-badeednimo oo saldhigga ku xirnaa ayaa waxaa ku geeriyoodey hal askari iyadoo ay ku dhaawacmeen askari kale iyo mid kamid ah kooxdii weerarka soo qaadday.

Sarkaal katirsan maamulka deegaanka oo magiciisa qariyey ayaa HM u xaqiijiyey in kooxdii weerarka soo qaadday oo ku fashilantay damocooda ay goobta ka baxsadeen laguna raad joogo, sida uu hadalka u dhigay.

Laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe la kulmayey weeraro kaga imaanaya dableey u abaabulan hab beeleed oo doonaya inay furtaan shaqsiyaad eedaysanayaal ah.