Weerarka internet oo lagu qaaday ​​garoomada diyaaradaha ee Yurub

20 September, 2025

Garoomada diyaaradaha ee Heathrow, Brussels iyo Berlin ayaa kamid ah xarumaha waaweyn ee Yurub ee xaqiijinaya hakadka ka dhashay weerarka.

Weerar dhanka internet-ka ah oo lagu bar tilmaameedsaday ayaa hakad galiyay isu-socodka hawada wuxuuna sababay dib-u-dhac ku yimid garoomada waaweyn ee Yurub.

Qaar kamid ah hawlgallada garoommada diyaaradaha, oo ay ku jiraan Heathrow ee London, ayaa adeegooda internet-ka hawada laga saaray sabtidii.

Heathrow, Berlin iyo Brussels, ugu yaraan 29 bixitaan iyo imaatinka ayaa la joojiyay ilaa hadda. Guud ahaan waxaa hakad ku jira, 651 duulimaad ee la qorsheeyay inay ka dhoofaan Heathrow, 228 duulimaadyadii Brussels iyo 226 garoonka Berlin maanta oo Sabti ah.

Ma jirto koox, shaqsi, ama dowlad sheegatay mas’uuliyadda weerarka dhanka internetka, ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababta ka dambeysay.