Ciidamada ammaanka iyo kuwa Milatariga ayaa ku guulaystay inay muddo ku dhaw 24 saac kadib soo…

Ciidamada ammaanka iyo kuwa Milatariga ayaa ku guulaystay inay muddo ku dhaw 24 saac kadib soo afmeeraan weerar ay kooxo hubaysan oo Alshabaab katirsan ku qaadeen hotel kuyaal magaalada Beledweyne.
Weerarkaan oo ku bilowday qaraxyo ayaa rag hubaysani ku qaadeen hotelka Qaahira oo kuyaalla xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyne oo ay ku sugnaayeen oday dhaqameed abaabulayey dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in hotelka Qaahira ay galeen 6 nin oo afar kamid ah is qarxiyeen halka labada kalena ay toogteen ciidamada oo ay dagaal xooggan kala hortageen, ayna shaacin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.