Weerarro ay qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lala beegsaday laba warshadood oo batrool ah oo ku yaal gobolka Khuzestan ee koonfurta Iiraan, hal qofna waxaa lagu dilay weerar kale oo ka dhacay goobta nukliyeerka ee Bushehr.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in goobta nukliyeerka ee Bushehr ay 4 jeer ku dhufteen gantaalo Mareykanka iyo Israa’iil.
Qoraal kale oo uu ku daabacay X, Wasiir Araghchi wuxuu ka digayaa in weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhacaya agagaarka warshadda nukliyeerka ee Bushehr maanta ay khataro waaweyn ku yihiin Iiraan iyo gobolka ballaaran ee Khaliijka.
Dhinaca kale, Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaallo badan laga soo riday Iiraan oo kusoo wajahan yihiin dhulkooda.
Sidoo kale Imaaraadka ayey Iiraan la beegsatay duqeyn balaaran oo u jawaab u ah weerarada Mareykanka iyo Israa’iil.
Wasaaradda Difaaca Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka ay ka jawaabeen 23 gantaal oo ballistic ah iyo 56 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga soo riday Iiraan maanta.
Khasaaraha duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil
Agaasimaha gobolka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Bariga Mediterranean-ka, Hanan Balkhy, ayaa si guud u sharraxay saameynta dagaalka Iiraan ee toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Balkhy ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay warbaahinta in dagaalku uu geystay mid ka mid ah “dhibaatooyinka ugu baaxadda weyn” tobanaankii sano ee la soo dhaafay, taasoo keentay:
In ka badan 3,300 oo dhimasho ah
In ka badan 30,000 oo dhaawac ah ayaa la soo sheegay
In ka badan 4.3 milyan oo qof ayaa barakacay
116 weerar oo la xaqiijiyay oo lagu qaaday xarumaha daryeelka caafimaadka.




