Weriye Shucayb Daad oo laamaha ammaanka Puntland ku xireen Boosaaso.

Wariye Shucayb Daad Maxamed, oo kamid ah wariyayaasha firfircoon ee ka howlgala deegaamada Puntland gaar ahaan…

20 July, 2026

Wariye Shucayb Daad Maxamed, oo kamid ah wariyayaasha firfircoon ee ka howlgala deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa xilli hore oo saaka lagu xiray agagarka garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Warar Madax-banaan ayaa sheegaya in saraakiil katirsan Hay’adda Sirdoonka Puntland (PISA) ay weriyaha ka qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, xilli uu halkaasi u joogay sagootinta mid ka mid ah ehelkiisa oo ka dhoofayay garoonka.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ay Hay’adda PISA, maamulka gobolka Bari, iyo xukuumadda Puntland ka soo saareen sababta loo xiray wariyaha & qodobada ay salka ku hayana eedaymaha loo haysto.

Xiritaanka Wariye Shucayb Daad Maxamed ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso laga sii daayey weriye Suways Maxamed Jaamac iyo weriye Maxamed Jaamac oo siyaabo kala duwan dowladdu ugu xirtay.