Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Garoowe ayaa maanta u fariisatay kiiska weriye Suways Jaamac Maxamuud (Suways…

Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Garoowe ayaa maanta u fariisatay kiiska weriye Suways Jaamac Maxamuud (Suways Gacayte) oo muddo ka badan 10 cisho ku xirnayd xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal.
Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa ka soo muuqday xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland, golaha deegaanka degmada Garoowe, ururada warbaahinta, weriyayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool Garoowe.
Xeer ilaalinta gobolka Nugaal ayaa maxkamadda horteeda ku soo bandhigtay eedaymaha loo haysto weriye Suways Gacayte oo la xiriiray kicin dadweyne, ku xadgudub shaqsiyadeed, sumcadxumayn hay’ado dowladeed iyo baahinta xog aan anshaxa waafaqsanayn sida xeer ilaalinta cuskatay.
Qareenka u doodaya Weriye Suways Gacayte ayaa ugu horrayn qaadacay isla markaan is-hor istaag ku sameeyey dacwadda iyo eedda qareenka oo uu sheegay inaysan waafaqsanayn shuruucda Puntland iyo xeerarka warbaahinta ee ay cuskatay.
Waxa uu sheegay in xarigga Suways Gacayte aan loo marin hanaan waafaqsan dastuurka iyo xeerka warbaahinta Puntland oo dhigaya in ugu horrayn weriyaha dacwaddiisa la horgeeyo guddiga sare ee Warbaahinta Puntland, wuxuuna maxkamadda ka codsaday in kiisla laalo maadaama xariggu uusan sharciga waafaqsanayn.
Intaas kadib, garsooraha Maxkamadda ayaa ka dalbaday qareenka iyo ururada warbaahinta ee goobta ku sugnaa in la keeno caddaynta/ aqoonsiga weriyenimo ee Suways Jaamac Maxamuud, wuxuuna xusay in fadhiga xiga ay maxkamaddu go’aan kaga gaari doonto haddii kiisku sii socon doono ama ay qaadan doonto is hortaagga uu dalbaday qareenka eedaysanuhu.




