Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay duqaymo fiidnimadii xalay ka dhacay deegaanka Sheebaab ee Buuraleeyda Cal-miskaad, oo…

Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay duqaymo fiidnimadii xalay ka dhacay deegaanka Sheebaab ee Buuraleeyda Cal-miskaad, oo ay ku sugan yihiin xubno sarsare oo katirsan kooxda Daacish.
Qoraal kooban oo ka soo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqayntaasi lagu beegsaday wersheddii qaraxyada iyo biraha culus kooxda Daacish ugu samayn jirtey deegaanka Sheebaab ee gobolka Bari.
“Duqeynta caawa ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.
Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa duqaymo tiro dhawr jeer ah la beegsaday malayshiyaadka Daacish ee ay dagaalka kula jiraan ciidamada difaaca dowladda Puntland, iyadoo horay loogu diley saraakiil sarsare oo katirsan kooxdaasi.