WHO ayaa ka digaysa sharoobada qufaca ee Hindiya sameyso

14 October, 2025

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Isniintii soo saaray digniin la-talin caafimaad oo ku saabsan saddex sharoobada qufaca oo wasakhaysan oo lagu aqoonsaday gudaha Hindiya, iyaga oo ku boorriyay mas’uuliyiinta caafimaadka inay soo sheegaan dawooyinkan hadii laga helo dalalkooda.

WHO waxay sheegtay in dawooyinka ay kala yihiin sharoobada (Cold Rif) oo ay soo saarto shirkadda Sresan Pharmaceutical, sidoo kale Sharoobada (Respifresh TR) oo ay soo saarto shirkadda Rednex Pharmaceuticals iyo Sharoobada (ReLife) ee shirkadda Shape Pharma.

Hay’addu waxay sheegtay in daawooyinkan wasakhaysan ay leeyihiin khatar ayna sababi karaan cudurro halis ah oo nafta halis gelin kara.

Maamulka caafimaadka ee Hindiya, ururka dhexe ee xakamaynta maandooriyaha ayaa WHO ku wargaliyay in sharoobada la sheegay inay cabeen caruur dhamaantood da’doodu ka yar tahay shan sano jir, kuwaas oo dhawaan ku dhintay gobolka dhexe ee Madhya Pradesh ee degmada Chhindwara.

Daawada qufaca waxaa ku jiray sun ah diethylene glycol tiro ku dhow 500 jeer inta la ogolyahay.