Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in faafitaanka Ebola uu aad uga xoogeysan karo, kadib markii uu cudurkan ka dilaacay dalalka DRC iyo Uganda. Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digtay khataraha caafimaad ee soo food saari kara dalalka kale ee jaarka la ah.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Axaddii ku dhawaaqday in cudurka Ebola uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Uganda “xaalad degdeg ah oo caafimaad oo caalami ah.”
WHO waxay sheegtay in cudurka faafa uusan buuxin shuruudaha xaaladda degdegga ah ee masiibada. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay ka digtay in dhammaan 10-ka waddan ee xuduudaha dhulka la wadaaga DRC ay halis sare ugu jiraan faafitaan dheeraad ah.
WHO waxay sheegtay in cudurka faafa uu aad uga xoogeysan karo marka loo eego saadaasha iyo xogta hada la helayo.
Waxay tilmaamtay in digniintan ku saleenayaan heerka dadka xanuunsan ee la xaqiijiyey iyo tirada sii kordheysa ee kiisaska la tuhunsan yahay.
Ilaa maanta oo Axad ah, waxaa jiray 88 dhimasho oo la tuhunsan yahay iyo in ka badan 300 oo kiis oo looga shakisan yahay oo ka dhacay gobolka bariga ee Ituri ee DRC.
Caasimada Uganda ee Kampala, ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyay laba kiis oo la xaqiijiyay oo kamid ah dadka ka yimid DRC, sida ay sheegtay WHO. Mid ka mid ah dadkaas ayaa dhintay.



