Qaybo kamid ah xaafadaha iyo goobaha dadweynaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa la daalaa-dhacaya…

Qaybo kamid ah xaafadaha iyo goobaha dadweynaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa la daalaa-dhacaya biyo fadhiya muddo ka badan saddex sano.
Biyahaan oo soo bilowday roobkii 2023 ayaa fariistay iskuulo waxbarasho, goobo ganacsi, xaafado dadweyne, guryo qabyo ah iyo goobo kale oo ay kujiraan cisbitalka guud ee Magaalada Galkacyo, iyadoo inta badan goobahaas ka guur noqdeen.
Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland iyo guddiga horumarinta degmada Galkacyo oo booqday goobahaasi ayaa sheegay in biyuhu yihiin kuwa dhulka hoostiisa ka soo butaacaya laguna hawlan yahay sidii biya-saarka Magaalada loo dedejin lahaa.



