Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa salaadii janaasada Ku tukaday Allaah ha u naxariistee Xaaji Baari Shire Dharaar oo ahaa aabaha dhalay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire.
Waxaa salaada janaasada ee marxuumka ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Maxamuud Maxamed Ciise (Awoowe), Goleyaasha Dowladda Puntland iyo ehelada iyo qoyska marxuumka iyo qaar ka mid ah dadweynaha caasimada Garoowe.





