Xaaladda abaaraha deegaamada Puntland oo ka sii daraysa.

20 February, 2026

Wasiirku-dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland, Farax Maxamud aw cismaan, iyo Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir oo xubin…

Wasiirku-dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland, Farax Maxamud aw cismaan, iyo Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir oo xubin ka ah Guddiga Abaaraha Puntland isla markaana u qaabilsan saddexda gobol ee kala ah Karkaar, Bari, iyo Raasa-casayr, oo safar shaqo ku marayeen Gobolka Karkaar, Bari iyo ras asayr ayaa Gaaray deegnka jidad ee Dagmada Qardho

Masuuliyiinta ayaa si faahfaahsan uga xog-wareystay xaaladda abaareed ee ka jirta Deeganka jidad iyagoo qiimeyn ku sameeyay baahiyaha jira iyo heerka saameynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada deegaanka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland ayaa qorsheynaya in biyo-dhaamin laga fuliyo dhammaan gobollada Puntland marka ay dhamaato qemayntu si wax looga qabto saameynta abaaraha loogana hortago xaalad bani’aadamnimo oo sii xumaata.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay aad uga sii darayso xaaladda abaaraha ee deegaamada Puntland, ayna jiraan deegaamo durugsan oo aan weli la gaarin.