Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa degan ka dib markii ay xalay saqdii dhexe bartamaha magaalada ka bexeen…

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa degan ka dib markii ay xalay saqdii dhexe bartamaha magaalada ka bexeen ciidankii Somaliland, iyagoo fariisin ka samaystay duleedka bari.
Ka hor intii aysan ciidanku u ruqaansan duleedka bari ee magaalada, rasaas ayaa magaalada laga maqlayey taas oo la sheegay inay dhexmartay Ciidamada Somaliland iyo xoogag hubeysan oo degaanka ah.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalÄ·ii xalay ay ku dhinteen in ka badan Saddex Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa labada dhinac ee dagaalamay.
Magaalada Laascaanood mudooyinkii dambe waxaa ka socday kacdoon ay dadka magaaladaasi uga soo horjeedaan dilalka ka dhaca iyo ciidmada Somaliland oo dad shacab ah laayey.
Horseed Media