Xaaladda Muqdisho oo deggan & Sh Shariif oo weli diidan amarka dowladda.

Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan kadib dagaalo ka dhacay 72 -dii saac ee…

5 June, 2026

Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan kadib dagaalo ka dhacay 72 -dii saac ee la soo dhaafay, inkasta oo weli aan la kala qaadin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalada gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, kuwaas oo ka gows-adaygay in laga raro degmada Cabdicasiis.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallo waan-waan iyo wada-hadal ah ay weli socdaan, iyadoo dhinacyada kala duwan lagu boorrinayo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad amni ama mid siyaasadeed.

Waxaa la filayaa in wafdi heer sare ah oo ka socda Turkey uu bilaabi dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaalida. Beesha caalamka ayaa dhankeeda si joogto ah ugu baaqaysa wada-hadal, is-afgarad iyo xal siyaasadeed oo lagu gaadho arrimaha masiiriga ah ee dalka, si looga fogaado qalalaase hor leh.

Dadweynihii Jimcada usoo damaashaad tegi jirey xeebta Liido ayaa maanta yaraaday sababo la xiriira isu socodka gaadiidka iyo cabsida ay ka qabaan dagaal markale ka qarxa aagaggii horay dirirtu uga dhacday.