Xiisad dagaal oo u dhexaysa ciidamada dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa ilaalada u ah…

Xiisad dagaal oo u dhexaysa ciidamada dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa ilaalada u ah qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli ka taagan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa qarxay gelinkii dambe ee shalay kadib markii ay dowladdu ciidamo ku hareeraysay guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo qax dadweyne.
Guriga uu Madaxweyne hore Sheekh Shariif ka deggan yahay agagaarka Miranaayo ayaa weli laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyadoo ay weli dhinacyadu isku horfadhiyaan goobihii shalay ilaa xalay lagu dagaalamay, sida ay werisey warbaahinta goob joogga ka ah dagaalka.
Muuqaalo la soo duubay ayaa muujinaya gaadiidka dagaalka gaar ahaan nooca loo yaqaan Beebbaha oo ku gubtey agagaarka guriga Sheekh Shariif, ayna goobta uga tageen ciidamada dowladda federalka ah ee Somalia.
Dowladda ayaa sheegtay in lagu soo weeraray baraha hubinta ammaanka halka mucaaradku sheegeen in guryohooda lagu soo weeraray aysanna gabban doonin inta madaxweynuhu talada xoogga ku joogo.




