Xaaska hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin ayaa in muddo ah kadib markii ugu horraysay ka hadashay halka…

Xaaska hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin ayaa in muddo ah kadib markii ugu horraysay ka hadashay halka uu ku sugan yahay seygeedu, xiriirka kala dhexeeya iyo xilligii ugu dambaysay xiriirkiisa.
Muna Abdalla oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa u sheegtay warbaahinta Daily Mail in Mr Muumin uu ka tegay iyada iyo carruurteed oo xilligaasi da’ yar, aysanna xilligaan wax xog ah ka hayn xaaladdiisa iyo goobta uu ku sugan iyadoo xustay in tan iyo maalintaas aysan arkin ama maqal isaga.
“Wuu naga tagay, maxaan kale oo aan dhihi karaa? Ma arag 10 sano, mana maqal. Carruurtuna way og yihiin inuu jiro, laakiin xiriir lama laha”, Sidaasi waxaa tiri Muna Abdalla oo warbaahintu wax ka waydiisay nolosha Cabdulqaadir Muumin.
Dhanka kalena, Muna Abdalla ayaa sheegtay inay ku adkaatay inay carruurteeda sharraxaad dheeraad ah ka siiso halka uu aabohood ku sugan iyo qorshayaasha uu ku foogan yahay, inkastoo ay tilmaantay inuu hadda kahor u sheegay inuu isbeddeley laakiin uusan warkiisu run ahayn.
Ciidanka difaaca Puntland ayaa cagta mariyey awooddii Daacish ee Somalia, iyagoo xilligaan haraadi kooban ku baacsanaya buuraleeyda ku teedsan Magaalada Boosaaso gaar ahaan togga Baallade.
Ciidanka Maraykanka oo kaashanaya kuwa Puntland ayaa 25-kii November, weerarro ka fuliyay saldhigyo ISIS ay ku lahaayeen togga Baalade, iyadoo duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha MQ-9 Reaper lagu dilay sarkaal sare oo ISIS ka tirsan iyo illaa 15 dagaalame oo u kala dhashay Suuriya, Turkiga iyo Itoobiya.



