Maamulka gobolka Mudug iyo waxgarad ka soo jeeda deegaamada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku guulaystey…

Maamulka gobolka Mudug iyo waxgarad ka soo jeeda deegaamada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku guulaystey siidaynta shaqsiyaad Galkacyo ugu xirnaa magta Marxuum la diley 2006-dii.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen kala qaadashada mag lagu qiimeeyey $40,000 (afartan kun oo dollar) oo ah magta AUN Cabdifataax Ismaaciil Xaashi.
Guddoomiyah ayaa uga mahadceliyey xildhibaano iyo waxgarad ka shaqeeyey sidii loo bixin lahaa magtaasi oo labaatan kun oo kamid ah ay bixisay xukuumadda Puntland.
“Waxaa caa’ilada Cabdifataax lagu wareejiyey sodon kun oo labaatan kamid ah ay bixisay dowladda Puntland, 10-ka dhimmanna waqti ayey qabsadeen, waxaan uga mahadcelinayaa qolyaha reer Muduga ah ee wax gaareen inaysan aanaysan ee ay sharciga u soo dacwoodeen”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.