Xagee Marayaa baaritaanka Markabka hubka sida ee ku xiran dekedda Boosaaso.

21 July, 2025

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka warbixiyey Markabka Sea World ee lagu qabtay…

Puntland Seizes Sea World Vessel for Violating Maritime Law

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka warbixiyey Markabka Sea World ee lagu qabtay xeebaha gobolka Raas-casayr, sababta keentay inay Puntland soo xirto iyo halka uu baaritaankiisu marayo.

Maxamuud Caydiid Dirir waxa uu sheegay in markabka Sea World amar la’aan ku soo xad gudbey xuduud badeedka Puntland, aysanna jirin wax cilad ah ama codsi caawin ah oo uu u soo gudbiyey hay’adaha dowladda.

“Markabka Sea World waxaa lagu arkay isagoo taagan meel 3 Male ujirta xeebta Bareeda, mana uusan siin wax digniin ah caawinna kama uusan dalban dowladda Puntland, wuxuuna soo dhaafay 12 nautical miles oo ah xuduud badeedka dalkasta xaq u leeyahay in looga amar qaato haddii dani ka soo gasho, sidaas ayaana sababtay in ciidanka ammaanku soo qabtaan”, Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa caddeeyey in marka uu soo dhammaado baaritaanka rasmiga ah ee markabkaasi, lana ogaado cidda leh, halka loo wadey hubka iyo sababta soo gelisey xeebaha Puntland ay dowladdu go’aan ka qaadan doonto kiiskiisa.

“Ilaa hadda baaritaan ayaa ku socda marka uu baaritaankaasi dhammaado ayaana go’aan rasmi ah laga qaadan doonaa waxa laga yeelayo”, Ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.