Garoonka Shuhadada ee Magaalada Boosaaso waxaa asbuucii 2aad is habsami leh uga socda koobka kubadda Caasimadaha…

Garoonka Shuhadada ee Magaalada Boosaaso waxaa asbuucii 2aad is habsami leh uga socda koobka kubadda Caasimadaha ee Cal-miskaad oo ay ka qaybgelayaan kooxo matalaya 9-ka Magaala-madax ee gobolada Puntland.
Tartankaan oo la qabtay markii ugu horraysey ayna si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha & xiriirka kubadda cagta Puntland ayaa maamuusayaa halyeyyadii u shahiidey difaaca dalkooda oo ku geeriyoodey hawlgalkii Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad .
Caasimadda gobolka Bari ee Boosaaso oo martigelinaysa koobka ayaa 6 dhibcood oo ay wadaagaan Dhahar ku hoggaaminaysa groupka A, kadib 3 kulan oo ay ciyaartay iyadoo ay kaalinta 3aad fadhido caasimadda Mudug ee Galkacyo oo 4 dhibcood ka heshay 2 kulan oo ay dheeshay, iyadoo kulamada soo aaddan ay jaangoyn doonaan labada caasimadood ee u gudbaya ciyaaraha bug-baxa ama isreeb-reebka wareegga 4 dhammaadka.
Groupka B oo ka fudud A, waxaa kaalinta 1aad kaga jirta Caasimadda gobolka Karkaar ee Qardho oo 6 dhibcood ka heshay laba kulan oo ay la ciyaartay Garoowe iyo Laascaanood, halka ay min 3 dhibcood lee yihiin Magaalooyinka Buuhoodle iyo Garoowe oo ciyaartooda kama dambaysta ah ku kala hari doona.
Magaalooyinka Caluula, Laascaanood iyo Badhan ayaa hadda macasaalaameeyey tartanka, iyagoo kulamadooda dhan ciyaari doona natiijo la’aan maadaama aysan xitaa guulo kale kaga soo bixi Karin heerka Group-yada.
Dhanka kalena, Xiriirka Kubadda Puntland ayaa uga digey dhammaan maamulka, macalimiinta, ciyaartooyda iyo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya tartanka caasimadaha gobolada Puntland ee ka socda garoonka Shuhadada Magaalada Boosaaso in laga dheeraado waxkasta oo ka baxsan kubadda cagta iyo anshexeeda.
Wareegto ka soo baxday xiriirka ayaa lagu amray dhammaan dhinacyada inay dhowraan mabaadi’da Puntland, cidii lagu arko hadal ama ficil lid ku ah dowladnimadana laga saarayo tartanka, islamarkaana la gorgayn doono sharciga.
HOOS KA AKHRI
Qodobka 1aad: In loo dhowro Mabaadi’da dawladnimo ee Puntland. Cidii lagu helo hadal Ama ficil liddi ku ah nidaamka dawladnimo ee puntland una diiwaan gashan Xiriirka Kubadda Cagta waxaa gabi ahaan laga saaridoona tartanka haduu garoonka dhexdiisa ku jiro iyo hadii uu Banaanka joogaba kadibna waxaa la horgeyn doonaa sharciga.
Qodobka 2aad: Macalimiinta waxaa la ogeysiinayaa inay garoonka dhexdiisa kula dabaaldegin Ciyaartoyda macalinkii kula dabaal daga ama kula orda garoonka marka ay ciyaartooydu Dabaaldagayaan waxaa lagu ganaaxi doona in la fariisiyo hal kulan iyo lacag dhan $50 Doolar.
Qodobka 3aad: Ciyaartoyda Dheeriga ah macalinkii diida in uu nidaamiyo ciyaartoyda kaydka (Binjiga) ama ku soo dara ciyaaryahanada loo xushay keydka kuwa dheeri ah waxaa laga qaadayaa tallaabo ay go’aamiyaan Guddiga Anshaxa Iyo Adaabta Tartanka.
Qodobka 4aad: Ka Reebnaanshaha Qabyaaladda iyo Siyaasadeynta Tartanka masuul, ciyaartoy ama xubin kasta oo u diiwaan-gashan PFA ee adeegsata hadal ama ficil ku saabsan Hayb qabiil, Isir ama siyaasadeysa tartankaan ha noqoto garoonka dhexdiisa ama baraha Bulshada cidii lagu Helo falkaas wxaa laga saarayaa gabi ahaanba Tartanka Caasimadaha Gobollada Puntland Xulka uu matalo waxaa la dul dhigayaa ganaax lacageed oo dhan $150.



