Xaggee ku dambeeyeen wadahadalladii DFS iyo dhinacyada mucaaradka.

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay halka ay marayaan wada-xaajooyada u…

10 September, 2026

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay halka ay marayaan wada-xaajooyada u dhexeeya Madaxda DFS iyo dhinacyada mucaaradka, xilli ay dedaalo dhexdhexaadin ah wadaan wakiilo ka socda beesha caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim, oo wareysi siiyay TV-ga Al-Carabiya, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka soo socda.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay si joogto ah ugu baaqayeen dhinacyada siyaasadda inay khilaafaadkooda ku dhammeeyaan wada-hadal, is-afgarad iyo wada-xaajood.

“Marar kala duwan ayaa lala fariistay dhinacyada Mucaaradka, waxaana jiray qodobbo lagu heshiiyay iyo kuwo weli u baahan in laga gaaro is-afgarad,” ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Cabdifataax Qaasim ayaa xusay in Dowladda ay diyaar u tahay in wada-xaajoodku sii socdo, wuxuuna xusay inay jiraan qodobo muhiim ah oo is-afgarad laga gaarey iyo kuwa u baahan wada-xaajoodyo dheeraad ah oo lagu turxaan bixinayo heshiiska arrimaha doorashooyinka.

Wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ku cadaadinaya inay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka, si looga baaqsado khilaaf daba-dheeraada iyo dibu-dhac ku yimaada dowladnimada saddexaad ee Soomaaliya.