Xamaas oo aqbashay heshiiska xabad joojinta Gaza

15 January, 2025

Xamaas ayaa sheegtay inay aqbashay heshiiska xabad joojinta Gaza, kadib dagaal qaatey 15 bilood.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey xabbad joojin si loo hakiyo dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee Gaza ka socday 15ka bilood.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan gali doono maalinta Axada ah ilaa inta ay ansixiyaan golaha wasiirada Israel. Israel ayaa weli sii wada weerarada ay ku hayso marinka Gaza.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska la gaaray, dhawaana la sii dayn doonaa dadka lahaystayaasha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa xaqiijiyey in 33 la hayste oo Israa’iiliyiin ah la siideyn doono wejiga koowaad ee xabbad joojinta.

Sidoo kale 1.500 maxaabiis reer Falastiin ah ayaa lagu wadaa in lasii daayo.

Ciidamada Israel ayaa dib uga soo bixi doona goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Gaza, Falastiiniyiinta laga barakiciyay ayaa loo ogolaan doonaa inay dib ugu laabtaan guryahoodii, waxaana maalin walba loo ogolaan doonaa boqolaal baabuur oo gargaar ah.

Ciidamada Israel ayaa sare u qaaday weerarada ay ku hayaan Gaza, iyagoo duqeymo ka geystay meel iskuul ah iyo dhowr guri oo ku yaala marinka Gaza, waxaana ku dhintay ugu yaraan 62 qof mudadii 24-saac ee ugu dambeysay.

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv, iyagoo ku baaqaya in la gaaro heshiis lagu sii deynayo maxaabiista ku xiran Gaza, halka boqolaal ka tirsan kuwa mayalka adag ay socod ku mareen magaalada Qudus, iyagoo dalbanaya in dagaalka la sii wado.

In ka badan 46,700 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. In ka badan 2.3 milyan oo qof ayaa sidoo kale barakacay.

Horseed Media