Xamaas oo ka jawaabtay soojeedinta heshiiska Trump ee Gaza

4 October, 2025

Xamaas ayaa jawaabteeda u gudbisay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump heshiiskii xabad joojinta Gaza, iyadoo ogolaatay in…

Xamaas ayaa jawaabteeda u gudbisay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump heshiiskii xabad joojinta Gaza, iyadoo ogolaatay in la sii daayo dhammaan maxaabiista Israa’iil ee ay haysato, laakiin waxay waydiisatay inay ka wada xaajoodaan qaar kamid ah qodobada qorshaha ka kooban 20-ka qodob.

Trump – oo kooxda Falastiiniyiinta u qabtay illaa maanta oo Axad ah inay si wanaagsan uga jawaabaan heshiiska – ayaa ka falceliyay isaga oo ka dalbaday Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso duqeymaha Gaza, inta wada-xaajoodka socdo.

Xamaas ayaa sheegtay in ay ogolaatay in la sii daayo dhammaan maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Gaza, kuwa dhintay iyo kuwa nool, “si loo gaaro” joojinta dagaalka Israa’iil iyo in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ku wareejin doonto maamulka Gaza koox farsamo yaqaan ah oo falastiiniyiin ah.

Inta ka hartay qorshaha 20-ka qodob ee Trump, oo ay ku jiraan hub ka dhigista Xamaas, kooxdu waxay sheegtay in ay tahay “in laga wada hadlo qaab-dhismeed heer qaran ah oo Falastiiniyiin ah, kaas oo Xamaas lagu dari doono oo ay gacan ka geysan doonto mas’uuliyad”.

Trump ayaa soo dhaweeyay jawaabta Xamaas, wuxuuna ku qoray bartiisa bulshada inuu aaminsan yahay in kooxda Falastiin ay “diyaar u yihiin NABAD waarta”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in “Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso duqeynta Gaza” si maxaabiista loo sii daayo.

Hase yeeshee Israa’iil, ayaa maanta oo Axad ah sii wada duqeynta Gaza, waxayna duqeynmo ku dileen ugu yaraan 20 qof.