Afhayeenka guutada al-Qassam ee garabka militariga Xamaas Abu Ubaida, ayaa wacad ku maray in howlgalada iska…

Afhayeenka guutada al-Qassam ee garabka militariga Xamaas Abu Ubaida, ayaa wacad ku maray in howlgalada iska caabinta ee ka dhanka ah gumeysiga Israel ay sii socon doonaan inta laga guulaysanayo.
“Dagaalyahannadeenna, dhaxalka nebiyada, waxay sii wadaan inay dhagxaanta Daa’uud ku tuuraan gaadhifardoodka Gidcoon, iyagoo garaacaya kuwa kibrey ilaa laga adkaanayo,” ayuu Abuu Cubeyda ku yiri hadal uu soo saaray Jimcihii.
Wuxuu ammaanay adkeysiga dagaalyahannada wax iska caabinta, isagoo sheegay in geesinimadooda ay ku qoraan guusha mu’miniinta iyo kuwa la dulmay ee isla weynida daalimiinta.
Mar uu ka hadlayey weerar subaxnimadii Jimcaha ka dhacay magaalada Khan Yunis ee koonfurta Gaza, kaas oo ay ku dhinteen shan askari oo Israa’iiliyiin ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, Abu Ubaida ayaa sheegay in khasaaraha ka soo gaadhay qabsashadii maanta Khan Yuunis iyo Jabalia ay ahaayeen bilow laakiin ay soo socdaan hawlgallo sax ah.