Xabbad joojinta ayaa hadda si rasmi ah u dhaqan gashey kadib dib u dhac ku yimid siideynta liiska la haytayaasha, taas oo Xamaas ku sheegtey cilad farsamo.

Xamas ayaa u gudbisey guddiga dhex-dhexaadiyaasha inay sii deyn doonto saddex haween ah oo la kala yiraahdo Romi Gonen, Emily Damari, iyo Doron Steinbrecher.
Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijinaya in xabad joojinta Gaza ay dhaqangashay 11.15am subaxnimo, maanta oo Axad ah, ka dib markii Israel ay heshay magacyada saddexda gabdhood ee la qafaashay ee maanta la sii daayay.
Romi Gonen waxay ahayd 23 sano jir markii ay Xamaas ka afduubeen xafladii muusiga ee Nova bishii Oktoobar 2023.
Emily Damari waa British-Israeli waana 28 jir. Waxaa laga soo qafaashay kibbuut oo ay ku noolayd. Doron Steinbrecher, 31, ayaa laga afduubay isla kibbutz.
Xabbad jooojinta oo ahayd in ay dhaqan gasho 8:30am xiliga maxaliga ah ayaa dib uga dhacdey saddex saacadood, taasoo keentay in Israa’iil ay duqeyn ku dishey 10 qof oo rayid ah.
Qaar kamid ah golaha wasiirada ee Israel ayaa xilka iska casilay iyagoo ka cabanaya xabad joojin.
Wasiirkii amniga qaranka Israa’iil Itamar Ben-Gvir iyo labadiisa wasiir ee ka tirsan xisbiga garabka midig ee Otzma Yehudit ayaa iska casilay xilalkii wasiirnimo iyaga oo ka mudaaharaadaya Israa’iil oo ogolaatay xabbad-joojin laga sameeyo Gaza.
Wejiga hore ee xabbad joojinta ayaa socon doona 42 maalmood kadib dagaal qaatey 15 bilood.