Xamaas oo sii daysay maxbuus heysta dhalashada Maraykanka

12 May, 2025

Kooxda Falastiiniyiinta ayaa sheegtay inay sii daayeen Edan Alexander, oo ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Mareykan ah oo lagu haysto Gaza. Xamaas ayaa ugu yeertay sii deynta qeyb kamid ah dadaallada xabbad joojinta, kadib wadahadal toos ah oo la yeesheen saraakiisha Mareykanka.

Xamaas ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay sii daysay Edan Alexander, oo la rumeysan yahay inuu yahay qofkii ugu dambeeyay ee Mareykanka ah oo lagu haystay Gaza.

Kooxda falastiiniyiinta, oo dalal dhowr ah oo uu ku jiro Maraykanku ku daray liiska argagixisada, ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay wadahadal toos ah la yeesheen wakiilada Maraykanka ee ku sugan Doha.

Edan Alexander – Askari Israa’iili ah oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa lagu qabtay saldhiggiisa milatari ee koonfurta Israa’iil intii uu socday weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023.

Kooxda ayaa sheegtay in ay tallaabadan u qaadeen niyad wanaag ku wajahan maamulka Trump iyaga oo rajaynaya in ay saldhig u noqoto xabbad joojin cusub oo ay la galaan Israa’iil.

Mas’uul u hadlay Israa’iil ayaa xaqiijiyay in wareejinta Alexander ay socoto, isagoo aan bixin faahfaahin.

Siideyntiisa ayaa noqoneysa tii ugu horreysay tan iyo markii Israa’iil ay jabisay xabbad joojin siddeed toddobaad ah oo ay la gashay Xamaas bishii Maarso, iyada oo duqeymo ba’an ku qaaday Gaza oo ay ku dhinteen boqolaal Falastiiniyiin ah.

Mareykanka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay bilaabay inuu si toos ah wadahadal ulla galo Xamaas, arrintan oo ka careysiisay Hogaanka Israa’iil.

Saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in wadahadalada tooska ah diirada lagu saarayo “xabad joojin ka dhacda Gaza, maxaabiis is dhaafsi iyo furitaanka gargaarka bini’aadantinimo.”

Khaliil al-Hayyah, oo ah hogaamiyaha Xamaas ee Gaza, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Xamaas ay diyaar u tahay “in ay si degdeg ah u bilaabato wada xaajoodyo degdeg ah” si loo gaaro heshiskii kama danbeys ah, oo ay ku jiraan soo afjarida dagaalka, isdhaafsiga maxaabiista Falastiiniyiinta iyo la haystayaasha Israa’iil ee Gaza iyo in maamulka Gaza lagu wareejiyo maamul madax-bannaan oo farsamo ah.

Siideynta Alexander ayaa ku soo beegantay xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu isku diyaarinayo inuu booqdo gobolka toddobaadkan.