Afartan dumarka ah ayey xoogaga Xamaas sii daayeen maanta oo Sabti ah, tani oo qeyb ka ah xabad-joojinta Gaza.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa maanta oo Sabti ah sii daysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaas oo lagu beddeli doono 200 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.
Afartan qof ayaa dhamaantood ka tirsanaa Guuto u badan dumar oo ahaa illaalada Israaíil ee xaduuda Gaza, kuwaas oo kamid ahaa ilaa 250 la-haystayaal ah oo lagu qabtay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.
Xamaas ayaa sheegtay in 70 ka mid ah 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay Israa’iil sii deyn doonto maanta in laga musaafurin doono meel ka baxsan Gaza iyo Daanta Galbeed, sida lagu sheegay bayaan ay kooxdu soo saartay.
Maxaabiista reer Falastiin ee lasii deynayo ayaa waxaa ku jira xubno xabsi dheer lagu xukumay oo loo heysto dilka Israa’iiliyiin.