Xamaas ayaa xaqiijisay dilka taliyihii militariga ee dhawaan loo magacaabay Gaza, Mohammed Odeh, kadib weerar ay Israa’iil ku qaaday Gaza.

Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqeynta Israa’iili lala beegsaday dhisme la deggan yahay oo ku yaal magaalada Gaza Talaadadii shalay, weerarkaas oo lagu dilay Odeh, xaaskiisa iyo laba wiil oo uu dhalay.
Odeh ayaa noqday taliyaha guutada Qassam horraantii bishan kadib markii hoggaamiyihii hore Izz al-Din al-Haddad lagu dilay weerar Israa’iil ay fulisay.
Israa’iil ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegtay inay duqeyn la beegsatay madaxa garabka hubaysan ee Xamaas oo ay sheegeen inay duqeyntaasi ku dileen.




