Xammaas oo qirtay inay diyaar u tahay xoojinta xabad joojinta Gaza.

13 February, 2025

Xammaas waxay doonaysaa inay maamulka Israa’iil ka soo xirto waddo kasta oo uu kaga bixi karo heshiiska xabad joojonta ee laga gaarey Gaza.

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan isdhaafsiga maxaabiista ee Israa’iil oo maalinimada Sabtida ah loo madlan yahay wajigeedii 6aad, haddii aysan Yuhuuddu ka bixn heshiisyadii labada dhinac.

Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah oo ka agdhaw dhinacyada wada xaajoodka ayaa sheegay manta oo Khamiis ah in horumar weyn laga gaaray ilaalinta xabbad-joojinta u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas, taasoo fududaynaysa is-dhaafsiga maxaabiista labada dhinac.

“Xamas waxa ay u xaqiijisay mas’uuliyiinta Masar sida ay uga go’an tahay in ay qabtaan is-weydaarsiga lixaad ee maxaabiista waqtigii loogu talagalay, Sabtida, sida ugu dhakhsaha badan ee Israa’iil ay u ixtiraamto ballanqaadkeeda,” Ayey dheheen ilo wareeyada warbaahinta la hadlay.

Dowladaha Maraykanka, Qadar iyo Masar ayaa ku cadaadinaya labada dhinac inaysan ka bixin heshiisyadii la gaarey ee xabad joojinta iyo isdhaafsiga Maxaabiista oo ilo diblumaasiyadeed sheegeen in maamulka Yuhuuddu ka caga jiidayo.