Xammaas oo shuruud ku xirtay siidaynta maxaabiista Israa’iil.

4 March, 2025

Saraakiisha xoogagga iska caabinta reer Falastiin ee Xammaas ayaa sheegay in jidka kaliya ee lagu xaqiijin…

Saraakiisha xoogagga iska caabinta reer Falastiin ee Xammaas ayaa sheegay in jidka kaliya ee lagu xaqiijin karo sii deynta maxaabiista Israa’iil ay tahay inay bilowdo wajiga labaad ee heshiiska xabad-joojinta.

“Waxaan xaqiijineynaa in sida kaliya ee lagu sii deyn karo maxaabiista xiran ay tahay in la adeeco heshiiska oo si dhakhso ah loo galo wada xaajoodyo lagu bilaabayo wajiga labaad,” ayuu yiri Osama Xamdan oo kamid ah saraakiisha Xammaas.

Xamaas waxa ay sheegtay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo maamulkiisa ay mas’uuliyad buuxda ka saaran tahay dhawrista wixii horay loogu heshiiyey iyo u gogol xaaridda waddooyinka cusub ee nabadda gobolka.

“In kasta oo heshiiska xabbad-joojinta horay loogalay, haddana taliska Netanyahu ee qabsaday Gaza wuxuu doonayaa inuu dib u bilaabo gardarrada ka dhanka ah dadkeenna,” ayuu yidhi sarkaalkaani.