Xarig-jarka mashruuca biyo xireenka ugu weyn qaaradda Africa.

9 September, 2025

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ay weheliyaan qaar kamid ah madaxda dalalka qaaradda Afrika…

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ay weheliyaan qaar kamid ah madaxda dalalka qaaradda Afrika iyo ganacsato caalami ah ayaa maanta xariga ka jari doona biya xireenka Abaya Dam ee webiga Nile.

Biya xireenkaan oo khilaaf ka dhex abuuray dalalka Itoobiya iyo Masar ayna ku baxday lacag ka badan $5 Billion oo dollar ayaa adeeg koronto jaban siin doona Malaayiin Itoobiyaan ah iyo qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika.

Kumanaan Itoobiyaaan ah ayaa saaka isugu soo baxay magaalooyin waaweyn ee ku yaal dalkaas, si ay taageero xooggan ugu muujiyaan xarig jarka biyo xireenkaan muhiimka u ah dalkooda.