Xarumaha ganacsiga Magaalada Boosaaso ayaa dib loo furay xilli ay kulamo u socdaan dowladda & ganacsatada.

Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa maanta dib loo furay, kaddib markii…

18 July, 2026
Dekadda Bosaso

Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa maanta dib loo furay, kaddib markii ay xirnaayeen muddo ka badan toddobaad sababo la xiriira khidmado cusub oo lagu kordhiyay adeegyada dekedda Boosaaso.

Go’aanka furitaanka xarumaha ganacsiga ayaa yimid xilli maanta oo Sabti ah la filayo inuu qabsoomo kulan u dhexeeya Dowladda Puntland iyo ganacsatada, kaas oo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka ka dhashay canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee dekedda.

Dhinacyada ayaa rajaynaya inay ku soo afmeeraan gedoodka ganacsatada ee ka dhashay khidmadaha lagu soo kordhiyey adeegga xirashada maraakiibta ee dekedda Magaalada Boosaaso, si dib loogu soo celiyo dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee caadiga ahaa, loona furo dekedda si buuxda.

Dhanka kalena, Maxamed Jaamac oo siweyn wax uga qori jirey arrimaha gobolka Bari ayaa maanta xorriyaddiisa dib u helay kadib maalmo uu ku xirnaa saldhigga dhexe ee Magaalada Boosaaso, iyadoo lagu sii daayey waanwaan lala galay dowladda.