Xarumo ciidamada DFS ku lee yihiin Baydhabo oo weerar lagu qaaday.

Weerarro culus ayaa subaxnimadii hore lagu qaaday qaar ka mid ah xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya…

28 September, 2026

Weerarro culus ayaa subaxnimadii hore lagu qaaday qaar ka mid ah xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ku lee yihiin Magaalada Baydhabo, iyadoo la maqlay jugo waaweyn oo ay xigeen iska horimaad toos ah oo dhexmaray dhinacyada dagaalamaya.

Warar hoose ayaa sheegaya in xoogagga taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan ay bartilmaameedsadeen fariisin ay deggen yihiin ciidamada Qaybta 60-aad, halkaas oo la sheegay in lagu qarxiyey goob loo adeegsaday kaydinta hubka iyo saanadda milateri.

Dhinacyada ayaa guulo ka sheeganaya dagaalka saaka Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iyo cidda gacanta ku haysa goobihii marka laga yimaado dhibaatooyinka ka soo gaaraya bulshada rayidka ah ee Magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe wajahaysey xaalad amni oo cakiran, iyadoo dadka deegaanka ay la kulmeen weerarro iyo iska horimaadyo soo noqnoqday tan iyo markii uu halkaasi ka dhacay isbeddel maamul oo muran dhaliyey.