18 February, 2025
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Dugsiga Qur’aanka oo si…

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Dugsiga Qur’aanka oo si casriyeysan loogu dhisayo Caruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed.
Dhagax-dhiga dugsiga kadib Taliyaha ayaa kormeeray dib u habeyn lagu sameeyey gudaha Xarunta lagu Barbaariyo Caruurta Booliska oo uu maamul cusub ugu magacaabay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqoonta iyo goobta wax lagu baro da’yartan soo koraysa.

