Xasan Abgaal “Dowladda Federaalka ayaan keenaynaa Garoowe”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta markii ugu horreysay si kulul uga…

18 September, 2025

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa maanta markii ugu horreysay si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee Puntland tan iyo markii uu ka maqnaa magaalada Garowe kadib doorashadii madaxtinimo ee 2024. Abgaal oo maanta kusoo laabtay Garowe, wuxuu sheegay in haddii madaxweyne Deni uu Garowe keeno mucaaradka Dowladda Federaalka isaguna uu halkaan keenayo dowladda dhexe si Puntland u hesho taageerada ay xaqa u leedahay.

Xasan Shire wuxuu si cad u sheegay in madaxweyne Deni uu si shaqsiyan ah u hor istaagay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalka ugu talagashay Puntland. Waxa uu tilmaamay in aysan jirin sabab sharci ah oo ay ku xayirmi karaan mashaariicdaas marka laga reebo go’aanno siyaasadeed oo gaaban.

Abgaal wuxuu ku baaqay in isimada dhaqanka ee Puntland ay isku yimaadaan oo ay iclaamiyaan shirweyne qaran oo lagu gorfeynayo masiirka Puntland si dib loogu dhiso Puntland cusub Waxa uu sheegay in socdaalkiisu uu daaran yahay dhismaha Puntland cusub.

Wuxuu si adag u dhaliilay xukuumadda Deni isagoo sheegay in dhammaan hay’adihii dowladda Puntland ay hawlgab yihiin islamarkaana shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada aan wax mushaar ah la siin in ka badan lix bilood. Tani ayuu sheegay inay sababtay in ciidamada ay waddooyinka isbaaro dhigtaan si ay xuquuqdooda u helaan.

Ugu dambeyn Abgaal wuxuu sheegay in shacabka Puntland ay hadda wajahayaan go’doon dhaqaale iyo nololeed oo ka dhashay siyaasad Deni, Wuxuu carabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya madaxweyne Deni lagula xisaabtami doono go’aan walba oo horseedaya cadaadis iyo cunaqabatayn ka dhan ah shacabka reer Puntland.