Xasan Abgaal oo abaabulaya shirar ka dhan ah dowladda Puntland.

26 January, 2026

Xasan Shire Abgaal oo kamid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha Puntland ee doorashadii 2023 ayaa dhaliilo ujeediyey…

Xasan Shire Abgaal oo kamid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha Puntland ee doorashadii 2023 ayaa dhaliilo ujeediyey xukuumadda Puntland, isagoo ugu baaqay isimada iyo waxgaradak Puntland inay isugu yimaadaan shir looga tashanayo aayamaha Puntland.

“Isimada,waxgaradka iyo Siyaasiyiinta puntland waa in talo degdeg ah iskugu yimaadan waayo Siciid deni waa kaligii talis puntland uma baahna kaligii talis”, Ayuu yiri Siyaasi Xasan Xasan Shire Abgaal.

Dhanka kalena, Xasan Shire Abgaal oo soo hadal qaaday ciidamada ay DFS ka qoratay deegaamada Puntland ay yihiin ciidan qaran oo mushaharkooda qaata 25-ka bilkasta, ayna ka bexeen Puntland markii xukuumaddu mushaharka u diiddey.

“Ciidamada Puntland joogo waa ciidan qaran, DFS ayaa mushaar siisa 25ka ayuuna usoo dhacaa waxaay kamid yihiin CXD waayo siciid deni ayaa mushaarka ka jaray, siciid deni ciidan ayuu qoray wiilal reerkooda ah oo mushaar uqoray ayaana xukumo, ciidanka Puntland joogo ee CXD Puntland dhibaata kuma aha”, Ayuu yiri markale Xasan Shire Abgaal.