Raysal Wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay heshiiska uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh la gaaray Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
” Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato. Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan.” ayuu yiri; Xasan Cali Khayre.
Ugu dambayn Raysal Wasaare hore Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ku boorriyey in ay ka feejignaadaan halista ku geedaamaan heshiiskaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci-darro ah.
Horseed Media