Xasan Sheekh “Dhinacyada ku dagaalamay Gedo Nabadda ha ka shaqeeyaan”

12 August, 2025

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo gaar ahaan Beledxaawo isaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday una rajeeyay caafimaad degdeg ah dhaawacyada.

Madaxweynaha ayaa amray Xukuumadda Federaalka in gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ay saamaysay dagaalka isagoo sidoo kale ugu baaqay ciidamada ka tallaabay xuduudda Kenya kuwaas oo ka tirsan Jubbaland in ay si nabad ah ugu soo laabtaan deegannadoodii iyadoo aan cidna ciqaab lagu soo rogi doonin.

Baaqan ayaa muujinaya in dowladda federaalka ay isku dayeyso in ay isu muujiso dhexdhexaad inay ka ahayd dagaaladii Gedo ka dhacay balse diiradda saareysa nabadda.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay dhinacyada ku lugta leh xiisadda in ay ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka iyo midnimada. Magaalada Beledxaawo oo todobaadyadii u dambeeyey dagaalo ka dhaceen waxaa hada si buuxda u maamula ciidan hoostaga dowladda federaalka waxaana meesha ka baxay ciidamadii Jubbaland.