Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo go’aan ka qaadanaya Doorashada qof iyo cod.

Gelinka dambe maanta ayaa lagu wadaa in Villa Somalia lagu qabto kulan qorshihiisu ahaa inuu dhex…

13 August, 2025

Gelinka dambe maanta ayaa lagu wadaa in Villa Somalia lagu qabto kulan qorshihiisu ahaa inuu dhex maro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo khilaaf siyaasadeed uu weli ka taagan yahay arrinta doorashada qof iyo cod.

Madaxweynaha ayaa shalay iska diiwaangeliyay doorashada wuxuuna qaatay kaarka codbixinta taas oo loo arkay fariin cad oo uu u diray mucaaradka oo muujinaysa inuusan ka laaban doonin hirgelinta nidaamkan doorasho.

Xogaha ka imanaya mucaaradka ayaa sheegaya in xalay kulamo hoose ay yeesheen uu ku dhexmaray dood adag iyadoo qaar ka mid ah ay ku baaqeen in kulanka laga baaqsado halka kuwo kalena ay ku adkeysteen in la sii wado wada hadalada.

Kulanka maanta ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhammaado sidii kuwii hore oo aan wax natiijo ah laga gaarin iyadoo qodobada khilaafka weli ka taagan yahay ugu weyn tahay arrimaha doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wada isku dayo uu ku soo dhoweysanayo siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka kuwaas oo tanaasul ka samaynayo mowqifkooda doorashada qof iyo cod.