Xasan Sheekh ” Muddo kororsi uma socono waxaan qabanaynaa doorasho qof iyo cod”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan dowladdiisu ku socon muddo kororsi balse qorshahoodu yahay…

23 September, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan dowladdiisu ku socon muddo kororsi balse qorshahoodu yahay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo shacabka si toos ah ugu doortaan hoggaankooda wuxuuna xusay in arrintan ay tahay dariiqda kaliya ee lagu xaqiijin karo hannaanka dimuqraadiyadda iyo in shacabka loo oggolaado inay si xor ah u muujiyaan afkooda iyo mawqifkooda siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay rabto in dimuqraadiyad dhab ah laga hirgeliyo dalka taas oo dadka Soomaaliyeed siinaysa awood buuxda oo ay ku muujiyaan doorashadooda siyaasadeed iyo fikirka ay aaminsan yihiin sida uu sheegay taasi waa wadada loo baahan yahay si loo gaarsiiyo Soomaaliya nidaam siyaasadeed oo waara.

Isagoo ka hadlayey tallaabooyinka la qaaday Xasan Sheekh wuxuu sheegay in sanadkii 2023 uu isugu yeeray shirkii ugu horreeyay oo lagu soo ururiyey siyaasiyiin hore iyo kuwa xilka haya si loo falanqeeyo jihada dalka uu ku socdo shirkan ayuu ku sheegay mid ku salaysnaa la-tashiyo ballaaran oo lala yeeshay madax kala duwan iyo bulshada qaybaheeda.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inay sidoo kale kulammo la yeesheen culimada iyo bulshada rayidka ah si loo caddeeyo jihada siyaasadeed ee dalka wuxuuna sheegay in mujtamaca oo dhan loo sheegay qorshaha dowladdu ku doonayso inay ku gaarsiiso Soomaaliya marxalad doorasho oo xor iyo xalaal ah.

Si kastaba qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajahaya mucaaradad xooggan siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu doonayo muddo kororsi iyo in nidaamka cusub uu ku diyaarsanayo doorasho uu isaga ku soo baxo waxayna soo jeediyeen in la qabto doorasho la isku raacsan yahay isla markaana dowladdu ka noqoto wax ka bedelkii dastuurka KMG ah ee khilaafka dhaliyey.