Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo…
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashadan ay tahay guul siyaasadeed oo muujinaysa horumar ku aaddan dhismaha dowladnimada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadu ka tarjumayso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka dowlad dhiska iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka, Sida uu sheegay go’aanka xildhibaanada ayaa marqaati ka ah rabitaanka bulshada ee ku aaddan hoggaan cusub oo horseeda midnimo iyo horumar.
“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya isagoo ku amaanay sida ay ugu hoggaansameen geeddi-socodka doorashada oo lagu tilmaamay mid si hufan u dhacay, Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadajirka iyo isu tanaasulka siyaasadeed ee lagu gaaro horumar iyo xasillooni.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u rajeeyay xildhibaanada iyo shacabka Waqooyi Bari in ay ku guuleystaan dhammaystirka howlaha kale ee horyaalla, gaar ahaan dhismaha dowladnimada, xoojinta nabadda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo ballanqaaday in dowladda federaalka ay garab istaagi doonto dadaalladaas.



